Deg deg: Dagaal culus oo ka socda duleedka magaalada Laascaanood

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland & ciidaamda SSC-Khaatumo uu maanta ka qarxay duleedka magaalada, sida goob joogayaal u xaqiijiyeen HBN Online TV.

Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa inuu ka socdo dhanka bari ee magaalada gaar ahaan aagga loo yaqaan Maraagga waxaana la isku adeegsanayaa noocyada kala duwan hubka oo ay ka mid yihiin madaafiicda, qoryaha daran dooriga u dhaca iyo kuwa gawaarida ku rakiban.

Dayaanka madaafiicda iyo rasaasta ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada iyo deegaanada ku xeeran, mana jirto cid xaqiijin karta khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee dagaalkan uu sababay. Dagaalka ayaa marna xoogaysanaya marna xabadda ayaa qaboobaysa oo si teel teel ah u dhacaysa.

Dhinacyada dagaalamayaa ayaa midba midka kale ku eedaynayaa bilowga dagaalka, war ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland oo lagaga hadlay dagaalka ayaa lagu sheegay in xalay iyo maanta ciidankooda ay weerar ku soo qaadeen waa sida hadalka loo yiriye ciidamo ka socda Puntland oo kaashanaya maleeshhiyaad iyo wax lagu tilmaamay kooxo argaggixiso  ah.

Warsaxaafadeedka ayaa ku eedeeyay ciidamadaasi waa sida hadalka loo dhigaye in ay carqaladayn ammaan la doonayaan Somaliland.

Dhanka kale saraakiil u hadashay maamulka SSC-Khaatumo ayaa dhankooda sheegay in wax loogu yeeray maleeshiyaadka argagixisada ah ee Somaliland ay ku soo qaadeen weerar saldhigyada ciidamada, isla markaana ay khasaare baaxad leh gaarsiiyeen.

Saraakiisha ayaa intaasi ku daray in ciidamada SSC-Khaatumo ay ku jiraan isdifaac isla markaana Somaliland muddooyinka waday abaabul dagaal, balse aanay ku guulaysan doonin.

Warqabadka HBN Online TV  

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed