Deegannada laga xorreeyay Al shabaab oo dib looga bilaabayo adeegyadii waxbarshada

Waxaa soo badanaya deegaannada laga xorreeyay Al shabaab kuwaas  oo dib looga bilaabay adeegyada Waxbarashada muddo kadib markii ay waayeen neecaawda tacliinta, oo ay isku beddeleen goobo ka caaggan astaan waxbarasho, lagana dhigay lama galaan.

Tuulada Wargadhi ee gobolka Shabeelada Dhexe waxaa laga daah-furay goobihii waxbarashada, iyada oo ku dhawaad boqol caruur ah ay saakay u dareereen iskuuladii waxbarashada tuuladaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 6 sanno ka hor tuuladaas ay gubeen ururka Al shabaab, balse maanta dib loo bilaabay hannaankii waxbarashada kadib markii tuuladaas ay kamid noqotay deegaannada ciidamada dowladda ay ka saareen Al shabaab oo muddo ka talinayay.

Shalay ayey aheyd markii degmada Xarardheere dib loo furay goobihii waxbarashada 15 sanno kadib, iyada in ka badan boqol caruur ah ay bilaabeen tacliintii dugsiga dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr sheegtay in deegaannada laga xorreeyay Al shabaab la gaarsiin doono adeegyada dowladda Sida: Waxbarashada, Caafimaadka, heyd’addaha nabad galyada iyo sidoo kale arrimaha aas aasiga ah.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed