Dowladda Oo Bilawday Mashruuc Lacageed Oo Dhan US$11.4 Milyan Oo Lagu Xoojinayo Adeegyada Daryeelka Degdegga ah

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo adeegsaneysa Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegga Aadanaha ayaa daah-furtay mashruuc cusub oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo adeegyada degdegga ah ee caafimaadka ee isbitaallada gudbinta ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed, gaar ahaan awoodaha daryeelka muhiimka ah.

Miisaaniyadan oo dhan US$11.4 million, oo uu ku maalgalinayo Bangiga Aduunka ee hoos taga Mashruuca Soo kabashada Xasaradaha Soomaaliya (SCRP) , hindisahan iskaashiga ah ayaa imaanaya iyadoo nidaamka caafimaadka dalka uu la tacaalayo heerar sare oo ka mid ah cudurrada faafa iyo kuwa aan la kala qaadin, oo ay ku jiraan dhaawacyo, iyo naafo iyada oo loo marayo iskahorimaad joogto ah iyo isticmaalka baahsan ee walxaha qarxa.

Mashruucan oo loogu magac daray ‘Xoojinta Adeegyada Degdegga ah ee Caafimaadka ee Cisbitaalada Gudbinta ee Federaalka iyo Gobolka’ waxa la soo marin doonaa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka Adduunka (WHO).

Mashruucani wuxuu sidoo kale raadinayaa in la xoojiyo hababka gudbinta ee u dhexeeya daryeelka caafimaadka aasaasiga ah iyo heerarka kale ee sare ee daryeelka caafimaadka ee dalka si loogu taageero daryeelka muhiimka ah si loo dhiso nidaam isku-dhafan oo daryeel caafimaad oo muhiim ah si loo daboolo baahiyaha caafimaad ee qof kasta noloshiisa.

Kulanka furitaanka ayaa ka koobnaa daah-fur rasmi ah ka dibna waxaa si qoto dheer looga dooday hirgelinta mashruuca ee u dhaxaysa WHO, qaybta fulinta mashaariicda ee Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Caafimaadka ee Federaalka, iyo Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka.

Ka qaybgalayaashu waxay dib u eegis ku sameeyeen qorshaha hirgelinta mashruuca waxayna ku heshiiyeen in si dhow loo wada shaqeeyo si loo xaqiijiyo ka miro-dhalinta himilooyinka iyo ujeedooyinka horumarinta mashruuca iyadoo la raacayo waqtiga ay ku heshiiyeen dawladda iyo la-hawlgalayaasha xoojinta qaybaha daryeelka muhiimka ah ee Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed