Danjire Tarsan oo banneeyay xilkii Safiirka Dowladda Soomaaliya ee kenya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa macsalaameysay Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, kaasoo dhameystay xilkii Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.

Danjire Tarsan ayaa tan iyo sanadkii 2018-kii ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, isagoo door muhiim ah ka qaatay xoojinta xiriirka labada dal. Dowladda Kenya ayaa uga mahadcelisay doorka muuqda ee uu ka qaatay horumarinta xiriirka labada dal.

Danjire Tarsan oo waqtigiisa dhamaaday ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay qorsheyneysaa in ay safiir cusub u soo magacowdo Kenya dhawaan, si loo sii wado xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed