Danjiraha dowladda Soomaaliya ee dalka Itoobiya uu ku soo wajahan magaalada Muqdisho kaddib markii loo yeeray

Danjiraha dowladda  Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa maanta si rasmi ah uga  soo amba bixi doona Addis Ababa isagoo ku wajahan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kadib go’aankii goor dhowayd kasoo baxay Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Go’aankaas oo salka ku haya in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u aragto tallaabada ay qaaday Dawladda Ethiopia mid xad gudub weyn ku ah madax banaanida Soomaaliya, isla markaana ay carqalad iyo xasilooni darro u horseedi karto Gobolka Geeska Africa.

Jamhuuryadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u caddaysay inay si buuxda u difaacayso dalkeeda iyo dadkeeda Soomaaliyeed.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed