Dallada mucaaradka Puntland oo markale soo saaray go’aan adag oo ka dhan ah doorashda maamulkaas kuwaas oo ku hanjabay tallaabooyin culus

Madashaay ku mideysan yihiin dallada mucaaradka Puntland, ayaa ka dhawaajiyay in aysan aqoonsanayn guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Puntland ee PEC, kuwaas oo uu horay madaxweynaha maamulkaas Saciid Cabduulaahi Deni uu sheegay in ay qabanayaan doorashooyinka qof iyo codka ah ee uu wado maamulkiisa, waxa ay sheegeen in dhismaha guddigaas aanan loo hannaan  sharci ah, sida ay hadalka u dhigeen.

War-saxaafadeed ay soo saareen madasha mucaaradku ayey ku shaaciyeen, in guddigaas lagu dhisay hab aanan wafaqsaneyn sharciga, loona marin hannaankii loogu talagalay sidaa darteedna wax ay soo saaraan aysan aheyn sharci, kuwaas oo si qayax u diiday guddiga doorashooyinka Puntland.

Madashaya ayaa si wadajir ah  ugu eedeyay madaxweyne Deni in uu doonaayo muddo kororsi iyo doorasho ku dhisan boob, un janjeerta hal dhinac, taas oo aanan waafaqsaneyn dastuurka Puntland oo wax ka beddel lagu sameeyay, waxay beesha caalamka ugu baaqeen in aysan taageerin wax ay ku sheegeen boobka iyo muddo kororsiga sharci darrada ah, taasoo ay ku sheegeen inay khatar ku tahay nabadda Puntland.

Sidoo kale bayaan ay soo saareen ayey ku sheegen haddii Madaxweyne Deni uu ku sii socdo tallaabooyinka baalmarsanka marsan sharciga  Puntland, dhibaatadana ku ah nabad iyo midnimada, in ay si deg deg ah u magacaabi doonaan, guddiga soo xulista baarlamaanka iyo kan xallinta khilaafadka.

Si kastaba, hadalkaan ayaa ku soo aadayo iyada oo maamulka talada haya uu ku adkeysanayo in uu qabanayo doorasho qof iyo cod ah, bilaawga sannada cusub, halka mucaraadkuna ay ka soo hor jeesteen go’aankaas oo ay ku sheegeen mid sharci darro ah kaas oo u baahan hishiis wadajir ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed