Dalalka Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya oo wada gaaray heshiis nabadeed oo seddex geesood ah

Bulshada ku dhaqan xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo nabadda, amniga, ganacsiga iyo isu socodka dadka.

Heshiiska ayaa lagu gaaray shirkii urur goboleedka IGAD iyo dowlad goboleedka Mandheera oo kaashanaya, Shirka  ayaa waxaa ka soo qeyb galay 60 ergo, waxaana diiradda lagu saaray dib u eegista iyo soo nooleynta Madasha Ka-hortagga Khilaafaadka, Maareynta iyo Xallinta.

Guddoomiyaha Mandheera Amos Mbaria, iyo kan Beled Xaawo ee Soomaaliya Xasan Maxamuud Cali  Mubaarak Ibraahim Cabdullaahi Isaaq oo ka socday Itoobiya ayaa heshiiska saxiixay.

Shirku wuxuu go’aamiyay in dhammaan shirarka xuduudaha ee dawladaha hoose, dawlad goboleedyada iyo ururrada bulshada la qabto iyadoo la fulinayo barnaamijka IGAD CPMR si kor loogu qaado nabadda, amniga, ganacsiga iyo isu socodka dadka.

Qaybaha xuduudaha ee saddexda dal ayaa ku heshiiyey in sannadkiiba laba jeer la qabto shirar joogto ah, gaar ahaan toddobaadka ugu horreeya ee bisha March iyo toddobaadka ugu horreeya ee bisha Oktoobar sannad kasta.

Go’aanka shirka waa in lala wadaagaa guddiga isku dhafka ah ee xuduudaha, IGAD iyo ururada dalalka xubnaha ka ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed