Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday bar koontarool oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose

Faah faahinno ka soo baxay Khasaaro kala duwan oo ka dashay dagaal ka dhacay Shabeelada Hoose kadib weerar dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen bar koontarool oo ciidamada xasilinta ay ku leeyihiin degmada Yaaqbari Weyne ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in xubnahaas ay weerarka ku bilaabeen Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kadibna dagaal fool ka fool ah ayaa xigay. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kana mid ah Xildhibaanada la weeraray ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda iyo Maleeshiyada deegaanka ay weerarkaas ku dileen dhowr dagaalyahan oo ka tirsan Al shabaab.

 

Xildhibaanka ayaa qirtay in ciidamada deegaanka ay khasaare gaarsiiyeen intii uu socday weerarka, waxaana dhaawacyada loo daabulay xerada ciidamada Danab ee ku taalla garoonka diyaaradaha Balidoogle, si halkaasi xaaladooda caafimaad loogu dabiibo.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli maalin kahor ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka hortageen weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lagu weeraray fariisin ciidamada ay ku leeyihiin deegaanka Barijeed. Gudoomiyaha Degmada Guriceel, Faarax Cabdi Macalin, oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in Ciidamada ay kaga guuleysteen Al Shabaab iska horimaadkaasi oo sababay dhimashada shan askari.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed