Dagaalyahanno hubeysan oo ka tirsan Al shabaab oo weeraro ku qaaday saldhigo ay leeyihiin ciidamada ammaanka Kenya

Dagaalyahanno aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday laba saldhig oo boolis ah oo ku yaalla deegaanka Faafi oo ka tirsan degmada Gaarisa, una dhow xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya. Goobaha la bartilmaameedsaday waxaa ka mid ah Xerada Booliska ee Alinjugur iyo Shanta Ceel iyo Xeryaha Booliska ee Jembele. Inkastoo weerarka uu ahaa mid abaabulan, hadana ciidamada Booliska Kenya ayaa ku guuleystay inay iska caabiyaan labada weerar, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha soo gaaray ciidamada ammaanka.

Xildhibaan Saalax Yacquub oo laga soo doorto deegaanka Garissa ayaa ku ammaanay ciidamada booliska sida geesinimada leh ee ay uga jawaabeen, wuxuuna ku booriyay mas’uuliyiinta maamulka inay xoojiyaan howlgallada ay ka wadaan gobolka, si looga hortago khataraha la xiriira argagixisada. Wadooyin badan ayaan la mari karin roobabka da’aya awgeed, Yacquub waxa uu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la kordhiyo ilaalada hawada iyo in si hufan loo gaarsiiyo saadka, oo ay ku jiraan saadka muhiimka ah ee la siiyo hay’adaha ammaanka.

Dhacdadan ayaa daba socota weerar kan la mid ah todobaadkii hore lagu qaaday saldhigga booliska ee deegaanka Calinjugur, halkaasi oo hal askari uu ku dhaawacmay iska hor imaad dhex maray dhinacyada. Magaalada Gaarisa ayaa weli ah goob ay Al-Shabaab weeraro ka soo abaabulaan, iyadoo Al-Shabaab ay wacad ku martay inay ka aargudan doonto ciidamada dowladda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, bayaanno ay soo saareen dhowr jeer.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed