Dagaalka Ukraine & Ruushka oo galay maalintii 493-aad

Dagaalka Ukraine & Ruushka ayaa galay maalintii 493-aad, waxaase rajo xumo laga muujinayaa gulufkii weerar ee rogaal celinta ahaa ee Ukraine ay waday kaasi oo aan laga gaarin wax guul ah oo caaqibo leh.

Jeneral Mark Milley oo ah taliyaha guud ee taliska ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in duulaanka Ukraine ay wado ee ka dhanka ciidamada Ruushka in uu ku socdo “si gaabis ah” laakiin uu sameeyay wax yar oo horumar ah, inkastoo ay jirto daruuf adag. Jeneral Milley, wuxuu carabka ku adkeeyay in Mareykanku qorsheynayo inay siiyaan Ukraine madaafiicda firidha.

Isla wararka arrimahan taliyaha ciidamada Ukroane Valery Zaluzhny taliyaha guud ee millatariga Ukraine ayaa sheegay in weerarka rogaal celinta ah ee ciidamadiisa ay caqabad ku tahay la’aanta hub ku filan, laga bilaabo diyaaradaha dagaalka ee casriga ah ilaa rasaasta madaafiicda. Valery Zaluzhny waxa uu sheegay in iyadoo taasi ay jirto hadda inay ka caraysiisay in qaar ka mid ah reer galbeedka ay ka cawdaan horumarka gaabis ah ee weerarka, iyadoo Ukraine ay weli sugayso diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee ay u ballan qaadeen xulafadeeda.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka Sergey Lavrov  ayaa beeniyay in dalkiisu uu si ku talo gal ah u beegsaday goobaha dadka rayidka ah ee Ukraine, isagoo tibaaxay in ay beegsadaan oo kaliya saldhigyada iyo goobaha saadka ee ciidamada.

Lavrov waxa kale oo uu sheegay in uu aaminsan yahay in reer galbeedku ay doonayaan in ay qaboojiyaan colaada ka taagan Ukraine si ay wakhti ugu iibsadaan in ay hub badan u diraan Kyiv.

Warqabadka HBN

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed