Dagaalka Ukraine oo sii xoogaystay

Dagaalka Ukraine wuxuu galay maalintii 20-aad, waxaana dhawr jiho ka socdo dagaalo qaarkood socday maalmo, waa la isku go’ay, la isku riiqmay, waxaana shaxlaynahaya dhiigga.

Magaalada Kyiv, duqeymihii xalay ku socday ayay ilaa saaka ku jirta, dhawr madfac ayaa ku habsaday deegaanno ay degan yihiin dad rayid ah, saldhiga tareennada waxyeelo ayaa soo gaartay ka dib markii gantaal uu ku dhacay.

Gobolka Sumy ee dhaca waqooyi-bari waxaa lagu wadaa in 12 saac oo xiriir ah laga daadgureeyo kumannaan shacab ah, waxaa loo furay waddooyin bini’aadamtinimo.

Ciidamadii dabaabaadka watay ee Ruushka ee ku siqayey magaalada Kyiv ayaa hakad ku yimid ka dib markii iskacaabin xooggan ay uga timid dhanka Ukraine, Mareykanku waxay sheegayaan in ay ku adag tahay Ruushku in ciidankiisu lug ku galaan Kyiv balse ay wadaan duqeyn.

Ra’isalwarayaasha Czech, Poland iyo Slovenia ayaa maanta booqasho ku tagaya magaalada Kyiv ee caasimadda Ukraine, waxay la kulmi doonaan madaxweyne Zelenskyy iyagoo u muujinaya inay garab taagan yihiin Ukraine iyo madaxbannaanideeda.

Maanta waxaa mar kale dib isugu soo laaban doona ergo ka socota Ukraine iyo Ruushka, kuwaasi oo sii ambaqaadi doona wadaxaajoodka, wadahadalkii shalay wax natiijo ah oo buuran lagama gaarin.

Ukraine, masuul u hadlay wuxuu sheegay in dagaalku soo dhammaan doono bilowga bisha May, Oleksiy Arestovich, oo ah la taliyaha madaxweynaha Ukraine ayaa ku doodaya in marka Ruushka ay ka dhamaato agabka iyo sahayda dagaal uu ku qasban yahay xabad joojin iyo in ciidankiisa uu la baxo.

Mareykanka ayaa ku eedeeyey Ruushka inuu doonayo in dagaalka Ukraine u adeegsado calooshood u shaqaystayaal Suuriyan ah, balse xukuumada Mosco arrintaasi waxay ku tilmaamay war aan waxba ka jirin.

Japan waxay cunaqabatayn saartyay hantidoodina xayirtay 17 maalqabeen oo u dhashay Ruushka, waxaa ka mid ah Viktor Vekselberg iyo qoysaska ganacsadaha bangiyada ka shaqeysta ee Yuri Kovalchuk.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed