Dagaal Ka Dhacay Laascaanood iyo Wararkii Ugu Dambeeyay.

Faah faahino kala duwan oo ka imaanaya magaalada Laascaanoow  ee gobolka ayaa sheegaya in xalay madaafiic ay ku soo dhacday gudaha magalaada, waxaana ka dashay khasaaro kala duwan iyo burbur.

 

Kadibn waxaa xigay dagaal toos ah oo u dheexeyay ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC-Khaatumo, dagaalkan ayaa ka dhacay dhican bari ee magalaada, iyada oo guud ahaan  deegaanka laga maqlay dhawaqa hubka ay isku adeegsadeen dhinacyada

Si gaar ah waxaa uga dhacay aagga buuraha Hodan iyo Sayidka, halkaas oo ay isku fara saareen labada dhinac, waxaana la sheegay in dagaalka ay qaadeen ciidanka milatariga Somaliland.
Goobjoogayaal ayaa ku warramay in muddo uu socday dagaalku markii dambana uu iskiis u istaagay, ilaa iyo hadda lama xaqiijin khasaaraha dhabtaa ee ka dashay dagaalkaas.
Aagaga Ciidamadu ay ku sugan yihiin ayaa laga dareemaya dhaqdhaqaaq ciidamo hubeysan, dadka deegaanka ayaa wajahaya xaalad cabsi ah.
Dhowr jeer baaqyo caalami ah  ayaa loogu baaqay in labada dhinac ay joojiyaan dirirta. Iyada oo Somaliland loogu baaqay in ay Ciidankeeda kala baxay Laascaanood.
HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed