Dagaal Ka Dhacay Laascaanood iyo Agaasime Ka Soo Goostay Somaliland.

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in madaafiic ay ku soo dhacday gudaha magaalada, waxana lagu eedeyay in ay  Ciidamada Somaliland, halka kuwa  degaanka ee la Magac baxay SSC ayaa jawaab ka bixiyeen.

Hubka labada dhinaca ay isku adeegsadeen ayaa laga maqlay guud ahaan deegaanka sida ah goobjoogayaal ay ku warrameen kuwaas oo ku sugan Laascaanood.

Dagaalka ayaa dhacay kadib sida la sheegay markii Ciidanka Somaliland ay bilaabeen dhaqdhaqaaq Ciidan magaaladana ay madaafiic ku soo dhacday, taasina waxay sababtay in xiisad ay dhalato.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Soomaaliland ee ku aadan dagaalka maanta iyo eedda ku saabsan in ay iyagu qaadeen weerarka.

Dhanka kale  Agaasimihii Waxbarashada Somaliland ayaa la sheegay in uu soo goostay kuna biiray Ciidanka deegaanka, wararka ayaa intaasi ku daraya in uu watat gaadiid dagaal, Wasiiro laga soo qaaday ayaa muujinaya asiga oo la sawiran Ciidanka deegaanka kuwaas lagu faafiyay baraha warbaahinta.

Dhowr jeer ayaa la isku dayay in la joojiyo dagaalka, baaqna loo diray dhinacayada isku haya Magaalada balse wili wax guul ah lagama gaarin, Somaliland ayaa ku adkeysaneysa in ay sii joogayaan gobolka halka kuwa deegaanka aysan dooneyn in isku dhiibaan Hargeysa.

HBN New Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed