Dagaal ka dhacay jubbada hoose oo dhexmaray ciidanka dowladda iyo Al-shabab kadib…..

Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxay dagaal dhexmaray Ciidanka dowladda iyo Ururka Al-shabaab deegaanno ku yeel duleedka degmada Dhoobleey, dagaalkan ayaa yimid markii ciimanka dowladda iyo kuwa Jubaland ay howlgallo kal duwan ka sameyeen deegaankaas oo laga dareemay in ay ku soo wajahnaayeen Al-shabaab.

Deegaannada laga fuliyay howlagalkaan ayaa la sheegay in dhadhaqaaq ay ka wadeen kooxda A-shabaab, kaidbna ciidanka dolwadda Soomaaliya ayaa ku baxay waxan labada dhina dhexmaray dagaal guud ahaan laga maqlay deegaanka sida laga soo xigtay goobjoogayaal.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dashay dagaalka dhexmaray ciidamada dowladda iyo Al-shabaab, kaas oo ka dhacay duleedka degmada Dhoobleey oo ku taal Jubbada hoose, taas oo kaabbiga ku heysa xadka dalka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in deegaannada ay howlgalka ka fuliyeen ciidannka dowladda ay Al-shabaab ka soo abbaabuli jireen weerarada ka dhaca deegaannada ku dhaw magaalada Dhoobley iyo qeybo kamid ah xadka dalka Kenya.

Howlgalladaan ka dhacay Jubbaland, ayaa imaanaya  iyada oo shalay magaalada kismaayo ay ku kulmeen Saraakiil ciidan oo ka socotay Kenya iyo Madaxweynaha maamulkaasi, kuwaas oo ka hadlay dardar gelinta dagaallo ka dhan ah A-shabaab deegaannada Jubbaland.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed