Dagaal Ka Dhacay Gobolka Hiiraan iyo Faah Faahino Ka Soo Baxaya.

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo Ciidanka Dowladda Soomaaliya, kuwa deegaanka oo dhinac iyo As ku dhex maray deegaanno hoostaga gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaaliya.

Deegaanka Baardheere kaas oo dhaca Koofurta  Xarunta gobolka Hiiraan ee Beledweyne ayuu ka dhacay dagaalku waxana ka dhashaya Khasaaro kala duwan oo soo gaaray labada dhinac kuwaas oo isku adeegsaday huh culus waxana laga maqlay guud ahaan deegaanka.

Fariisimo Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay goobta ku lahaayeen ayaa waxaa weerar ku soo qaaday Al-shabaab taas oo dhalisay in Saacado lagu dagaallamo Saldhiga.

Illaa hadda lama xaqiijin khasaara rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, balse wili xiisad dagaal ayaa ka jirta deegaanka, Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaan ayaa helay gurmad badan oo gaaray halkii lagu dagaallamay.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed