Dagaal Ka Bilaawday Magaalada Garowe iyo Wararkii Ugu Dambeyay.

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya magalaada Garowe ee Caasimada Puntland ayaa sheegaya in rasaas xooggan ay ka bilaabtay gudaha magaalaada,  kadib markii sida la sheegay Xillibaanada Golaha Wakiilada ay soo hormariyeen  ka dooddista qodobada muranka dhaliyay ee ku saabsan dastuurka maamulkaasi.

Dagaalka ayaa ka socda aagga xarunta Baarlamaanka Puntland, gaar ahaan halka loo yaqaan Hotel Galoobal oo aad ugu dhaw Fadhiga Golaha Wakiilada Puntland.

Xiisadaan ayaa bilaabatay shalay, waxana magaalka soo buux dhaafiyay Ciidan aanan ka amar qaadan maamulka talada haya, waxana hoggaaminaya Sargaal lagu magacaabo Jimcaale Jaamac.

Xaafadaha ku yaal Garowe ayaa xalay laga barakacay, iyada la arkayay Saqdii dhexe qax bilaawday magaalada. Ilaa iyo hadda dhawaqa rasaasta ayaa laga maqlayaa magaalada.

Wixii soo kordho halkaan kala soco.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed