Dagaal Dhaliyay Dhimasho iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Gobolka Mudug iyo Wararkii Ugu Dambeeyay.

Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya  dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay gobolka Mudug, dagaalkaan ayaa dhexmaray maleeshiyo beeleed halkaasi wada daga waxana ka dhacay dagaal culus oo muddo socday.

Waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ilaa lix ruux oo ah dhinacaydii dagaalamay,  kuwaas oo maanta lagu aasay deegaanno hoos yimaada magalaada Af-barawaaqo  oo ka tirsan Mudug, tirada dhaawacyada ayaa intaasi ka badan sida laga soo xigtay goobjoogayaal.

Diritaan ayaa ka dhacday dhul miyi ah oo u dhaw tuulada Qoryo-weyn oo qiyaastii  dhanka galbeeedka kaga beegan magaalada Af-barwaaqo, dhacdadaan la xiriirta dagaalka ayaa dhowr jeer soo laa laabatay muddooyinkii dambe, waxana ka dashay khaasaaro iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac, mana jirto wax xal ah oo laga gaaray, xiisad ayaa ka taagan deegaannada lagu dagaalamay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed