Dagaal culus oo ka dhacay Shabeelada Hoose ayaa lagu in ka badan 20 dagaalyahan oo ka tirsan Al shabaab

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa in ka badan 20 ka tirsan dagaalamayaasha  Al-Shabaab ku dilay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelada Hoose, halka ay jiraan dhaawacyo kale, kadib markii Al-shabaab ay weerar qorshysan ay soo qaadeen.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in ciidamada ay howlgalka ku soo furteen hub, isagoo sheegay in dagaalyahannada ay wadoodi waayeen in ay qaataan meydadkooda maadaama la jebiyay, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidamadeennu waxay dileen in ka badan 20 ka mid ah dagaalyahannada Khawaarijta oo ay ku jiraan taliyeyaal sare, waxayna  ka cararaan meydadkooda. Waxaa naga go’an inaan burburino shabakada argagixisada ee gobolkan iyo guud ahaan dalka,” ayuu yiri.

Howlgalladan ayaa kusoo aadaya xilli maalmo ka hor ay dowladdu qorsheyneyso in la bilaabo wejiga labaad ee dagaalka guud ee ka dhanka ah dagaalyahannada Al-shabaab ee dalka ka soconaya.

dowladdu intaas waxaa ay raacisay in ay heshay sawiro argagax leh oo laga soo qaaday goobihii lagu dagaalamay, kuwaas oo muujinaya sida looga itaal roonaaday xubnihii weerarka soo qaaday.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed