Dagaalkii Cuslaa Ee Laascaanood oo ay Siyaabo kale Duwan uga hadleen Labada Dhinac.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal Culus oo dib markale uga qarxay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool halkaas oo 3 Seddexdii bil ee la soo dhaafayay ay ku dagaalamayeen Ciidanka deegaanka SSC iyo kuwa Somaliland kaas oo dhaliyay khasaaro xooggan oo dhan walbe leh.

Dagaalka Saakay ka dhacay Laascaanood ayaa xoogiisa waxaa lagu dagaallamay Bariga magaalada ee Maraaga, Galbeed Dhinaca Xaraga, iyo aagga Dhabansaar.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in dagaalku uu qaatay Saacado badan la iskuna adeegsaday hub culus oo guud ahaan deegaanka laga maqlay.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii Ciidanka Somaliland ay dhaqdhaqaaq Ciidan ka sameeyeen Bariga iy duleedka Laascaanood taasina ay sababtay in dagaalku uu qarxo, khasaaro iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo wariyay balse tirada rasmiga ah ilaa hadda lama xaqiijin.

Somaliland oo ka hadashay dagaalka Saakay ayaa sheegtay in Ciidan ay ku sheegtay kuwa huwanta ah ee Argagixisada iyo Puntland ay wareer Seddexo jiho ah ay ku soo qaadeen xilli ay socotay dabbaal dagha 18 May, jab xoggana ay gaarsiiyeen Ciidankii soo wareeray, qoraal lagu faafiyay Warbaahintooda.

Dhankale Guddiga SSC ee Khaatumo ayaa bayaan ay soo saareen waxay kaga hadleen dagaalkii dhaacy, iyaga oo ku eedeyay Somaliland in ay weerarka soo qaaday, jab xoogganna ay gaarsiiyeen Ciidankii weerarka ku soo qaaday.

Sidoo kale iyaga oo intaas ku daray in is difaaci doonnaan, diyaarna u yihiin in ay ka hortagaan weerarada kaga imanaya dhinaca ay isku hayaan gacan ku heynta magaaalada Laascaannood.

Marka laga soo tago Hadalka labada dhinac madaafiic  ayaa ku soo dhacday  dhismooyin ku yaal gudaha magaalada, dad shacab ayaa la sheegay in waxyeelo ka soo gaartay madaafiicada oo ay soo rideen Ciidanka hubeysan ee Somaliland.

Dagaalkaan  ka dhacay duleedka Magaalada Laas-Caanood ayaa kusoo  beegmaya  xilli Maanta Somaliland looga dabaa degayo 18-ka Bisha May oo ah markii Somaliland ay ku  dhawaaqday inay ka go’een  Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991-dii.

HBN News Desk

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed