Dagaal Culus oo Ka Dhacay Gobolka Sool iyo Wararkii Ugu Dambeeyay.

Dagaal culus ayaa aroornimadii hore ee saaka ka qarxay deegaanada Samakaab iyo DhabanSaar oo katirsan gobalka Sool, waxana halkaasi ku dagaalamay Ciidanka Soomaaliland iyo taabacsan Laascaanood, iyada oo dagaalku ahaay mid Culus.

Deegaanadan ayaa Laascaanoo uga beegan dhinaca Hargeysa waana marino muhiim u ah Ciidanka Soomaaliland, waana deegaan istiraatiiji ah.

Dagaalka ayaa socday muddo ku dhow saacad, iyadoo ay Somaliland xooga saarayso in ay ciidamada deegaanka ee goobahaas kusugan ka durjiso wadada dheer ee laamiga ah, oo u ah meel  muhiim ah marka la eego  dhaawacyada iyo Saadkaba u maro taliska Goojacade ee duleedka Laascaanood.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland,  xalay uu joogay  magaalada Burco, isagoo lafilayo in uu soo gaaro isla maanta magaalada OOG ee gobalka Sool, taas oo masaafo kooban u jirta deegaanada dagaalkan saaka kasocdo.

HBN New Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed