Dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al shabaab ku dhexmaray deegaanno ka tirsan gobolka Mudug

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray tuulooyinka Shabeelow iyo Gacaday ee gobolka Mudug, waxana ka dahsay khaasaaro  kala duwan , inkastoo aanan faah faahin rasmi ah laga bixin.

Deegaannada lagu dagallamay aya waxaa ka jirto xiisad xooggan, iyada oo ciidamada dowladdu ay doonayaan in Al shabaab ka saaraan deegaannadaas oo ah kuwa istaraatiiji ah, loona arko kuwa micno weyn ugu fadhiya dowladda  haddii ay si buuxdo ula wareegaan.

Ciidamada dowladda ayaa kordhiyey howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobollada dhexe, balse weli ururka Al shabaab ayaa gacanta ku haya dhulka miyiga ah ee gobolladaas oo ay ka fuliyaan weeraro gaadmo ah iyo miinooyin, isla markaana khasaaro kala duwan gaarsiiya ciidamada isku dhafka ah iyo dadka shacabka ah deegaannadaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an in dhowrk bil ee soo aaddan ay soo afjarto dagaalka AL shabaab ee ka soconaya Hirshabeelle iyo Galmudug, si ka dib loo bilaabo howlgallada wajiga laabad ee maamullada Jubaland iyo Koofur Galbeed Soomaaliya.

 

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed