Dagaal beeleed sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Galgadudu

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal ka dhacay Galgauduud kaas oo dhex maray maleeshiyo beeleed halkaas wada daga, waxana la soo warrinayaa in isku dhacaasi uu sababay dhimasho iyo dhaawac kadib markii gaari lagu furay rasaas xooggan.

Iska hor imaadkaan ayaa ka dhacay deegaanno hoos taga magaalada Gaalkacyo ee dhinac Galgaduud, kadib markii koox hubeysan ay jidka u galeen gaari wadada socday uu ki sii jeeday magalaada Gaalkacyo, kadibna iska caabbin ayey sameeyeen maleeshiyo kale oo gaariga la socday.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in koox bubeysan oo maleeshiyo beeleed ah ay rasaas ku fureen gaari u rarnaa magaalada Gaalkacyo kaas oo marayay deegaanka Kaxandhaale, rasaasta ayaa heleeeshay dadkii saarnaa gaariga oo iskugu jiray dad shacab ah iyo maleeshiyo hubeysan oo dhowr qof aheyd.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee ka dashay weerarkaasi, balse ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dhimasho iyo dhaawac ay soo gaareen dadkii saarnaa gaariga ee rasaasta lagu furay kuwaas oo gaaray ilaa 4 ruux, halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Kooxihii weerarka fuliyay ayaa ka baxsaday goobta, mana jirto faah faahin dheeraad ah ee ka soo baxay maamulka gobolka, gaar ahaan Galmudug. Muddooyinkii dambe dagaallo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ku soo badanayay gobolada dhexe ee Soomaaliya, kaas oo dhexmarayay maleeshiyo beeleed gobolka  wada-daga.

HBN NEWS DESK.

 

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed