Dagaal beeleed culus oo sababay dhimasho dhawac oo ka dhacay gobolka Galgaduud

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhintay dagaal beeleed  ka dhacay deegaan ku dhow magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, sidoo kale khasaaro kale oo dhaawac ah ayaa ka dashay.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhacay deegaanka Xananbuure oo qiyaastii 45 KM u jira magaalada Dhuusamareeb. Xiisad dagaal oo u dhaxeysa labo maleeshiyo beeleed ayaa weli ka taagan deegaanka, sida ay ku waramayaan dadka deegaanka.

Odayaasha dhaqanka ayaa bilaabay dadaallo lagu soo celinayo nabadda deegaanka lagu dagaallamay. Dagaal beeleedyadan cusub ee ka dhacay gobolka Galgaduud ayaa kusoo beegmaya iyadoo dagaallo culus ay ka dhaceen gobolka Shabeellada Dhexe, kuwaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan toban qof labadii toddobaad ee lasoo dhaafay.

Axadii, Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa Ururka Al Shabaab ku eedeeyay inay hurinayaan dagaalo beeleedyo ka dhaca Gobolada dalka.

Wasiirku waxa uu sheegay in kooxdan ay dhaqaale badan ku bixinayso hurinta colaadaha ka taagan deegaanada laga saaray, si ay uga weeciso ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee howlgallada ka dhanka ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed