Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Beledweyne oo loo soo qaaday Muqdisho

Ugu yaraan 16 ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii gaari xamuul ahaa ee Sabtidii ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa loo soo duuliyay magaalada Muqdisho si halkaasi loogu dabiibo, sida ay sheegeen saraakiisha sarsare ee gobolka.

Labo diyaaradood oo yar yar  ayaa dadka dhaawaca ah keenay garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, waxaana loo qaaday isbitaallada caasimada  si loogu daweeyo.

Qaraxii Sabtidii – mid ka mid ah kuwii ugu xumaa ee soo mara dalalka Bariga Afrika – ayaa ka dhacay bar koontarool oo mashquul badan oo ku taalla magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, oo qiyaastii 350 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmeen weerar ka dhacay gudaha magaalada, iyadoo ciidamada booliska ay gacanta ku dhigeen gaarigii labaad oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaas oo baaritaannoo ay ku socdaan.

Sannadkii hore dad badan oo ay ku jirtay haweeney xildhibaan ah ayaa lagu dilay weerar kan la mid ah oo ka dhacay saldhigga ciidamada Lama-Galay ee bartamaha magaalada, kaasoo udub dhexaad u ahaa abaabulka bulshada ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay 36 kalena waa ay ku dhaawacmeen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan bishii Oktoobar ee sannadkii hore, kaddib markii s baabuur oo qaraxyo ah ay ka fuliyeen Al-shabaab.

Dadka ku dhintay  waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Hiiraan Abuukar Sheekh Maadey iyo wasiirkii caafimaadka ee gobolkaasi Sakariye Maxamed Axmed.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed