Ugu yaraan 27 qof ayaa ku dhintay “dab weyn” oo ka kacay beer lagu nasto oo ku taal Hindiya, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka. Holac aad u weyn iyo qiiq ayaa cirka isku shareeray oo ka kacay dhismaha Rajkot, ee galbeedka gobolka Gujarat.
Waxaa jirta cabsi ah in dhibanayaal badan ay wali ku hoos jiraan burburka. Mar sii horreysay, taliyaha booliiska Rajkot Raju Bhargava ayaa BBC u sheegay in 24 qof ay dhinteen. Dhawr dhibanayaal ah ayaa lagu soo waramayaa inay caruur yihiin.
Ilaa iyo hadda lama oga sababta dhalisay dabkan. Madaxa Gujarat Bhupendra Patel ayaa sheegay in “koox baaritaan oo gaar ah” la magacaabay.
Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay dabka ka kacay Rajkot, waxa uuna sheegay in fikirkiisu uu la jiro kuwa ku waayay eheladooda.
HBN NEWS DESK