Daadad ku dhuftay waddamo ku yaal Bariga Afrika oo sababay khasaaro baaxad leh

Roobab mahiigaan ah iyo daadad ayaa dhowr toddobaad ka da’ayay qeybo ka mid ah Bariga Afrika, waxaana ku dhintay in ka badan 350 qof, in ka badan 1 milyan oo kalena way ku barakaceen Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Tanzania.

Dalka Kenya, ugu yaraan 136 qof ayaa ku dhintay ku dhawaad ​​nus milyan qofna waa ay barakaceen, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha Kenya. Roobab aan kala joogsi lahayn oo tan iyo bishii Oktoobar da’ayay ayaa saameeyay 38 ka mid ah 47-da gobol ee dalka,  sida uu shaaca ka qaaday madaxweyne William Ruto oo ka hadlayay shir deg deg ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirada todobaadkii hore.

Xeebaha waqooyi-bari iyo kuwa bari ee dalka ayaa ah meelaha ugu daran ee ay waxyeeladu ka soo gaartay burbur xooggan oo soo gaaray guryaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha, oo ay ku jiraan hakad ku yimid adeegyadii tareennada xamuulka ee dekedda Mombasa bishii hore.

Roobabka aan caadiga ahayn waxaa inta badan sababa ifafaalaha cimilada El Niño waxaana la saadaaliyay inay sii socon doonaan ilaa sanadka cusub waaxda saadaasha hawada ee Kenya.

Dhanka kale Tirada dadka ku dhintay daadad ka dhashay roobab culus oo ka da’ay waqooyiga Tanzania ayaa waxaa ku dhintay 68 ruux, sarkaal ka tirsan gobolka ayaa sheegay, iyadoo shaqaalaha samatabbixintu ay baadi goobayeen dad  hor leh.

Roobab mahiigaan ah oo da’ay dhamaadkii todobaadka ayaa qaaday gawaari waxayna dumiyeen dhismayaal ku yaal buurta ku taal magaalada Katesh, oo 300 kilomitir waqooyi ka xigta caasimada Dodoma.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed