Daadad ku dhuftay dalka Liibiya oo ay dhinteen dad lagu qiyaasay 2,000 oo qof halka kuwa kalana la la’yahay

Ku dhawaad ​​2,000 oo qof ayaa ku dhintay kumanaan kalena waa la la’yahay ka dib markii duufaanta Daniel oo wadata  roobab mahiigaan ah ay ku dhuftay waqooyi bari ee dalka Liibiya, taasoo keentay in laba biya xireen ay dumaan, isla markaana biyuhu ay galaan goobo qadiimi ah.

Othman Abduljalil, oo ah wasiirka caafimaadka ee xukuumadda bariga Liibiya ee uu baarlamaanka taageero, ayaa booqday magaalada ugu daran ee Derna, isagoo ku sifeeyay dhibaato xooggan qaybo ka mid ah goobaha ay arrintaas ka dhacday.

“Xaaladda Derna waxay ahayd musiibo… Meydadka ayaa weli yaalla meelo badan,” ayuu Abduljalil u sheegay TV-ga Almasar ee Liibiya.“Waxaa jira qoysas weli ku go’doonsan guryahoodii, waxaana jira dad dhibanayaal ah oo ku hoos jira burburka.,” ayuu yiri.

Ilaa 6,000 oo qof ayaa laga la’yahay magaaladaDerna, ayuu yiri Abduljalil, laakiin waa hal aag oo ay saameeyeen daadad ku dhuftay magaalooyin dhowr ah oo ku yaal waqooyi-bari ee dalka oo xuduud la leh badda Mediterranean-ka.

Madaxa Hay’adda Gurmadka Degdegga ah iyo Ambalaasta ee Liibiya, Osama Aly, ayaa CNN u sheegay in burburkii biyo xireenka kaddib “Biyaha oo dhan ay aadeen meel u dhow Derna, oo ah dhul xeebeed buuraley ah.”

Guryo ku yaallay dooxooyinka ayaa waxaa la tagay biyaha dhiiqada ah oo ay la socdaan gaadiid iyo qashin, ayuu hadalkiisa ku daray. Khadadka taleefoonada ee magaalada ayaa sidoo kale go’ay, taasoo adkeyneysa dadaallada samata bixinta, ayuu yiri Aly, iyadoo shaqaaluhu ay awoodi waayeen inay galaan Derna burburka  xooggan awgeed.

Magaalooyinka uga daran ee dhibaatadu ka dhacday ayaa kala ah, Al-Bayda, Al-Marj, Tobruk, Takenis, Al-Bayada,  Battah, iyo sidoo kale xeebta bari ee Benghazi.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed