Daadad ka dhacay Soomaaliya oo dilay 50 oo ruux ku dhawaad hal milyana waa ku barakaceen sida ay sheegtay Qaramada Midoobay

Kadib roobab mahiigaan ah oo da’ay Talaadadii, 50 qof ayaa ku dhintay daadad ka dhacay Soomaaliya, taas oo keentay in ku dhawaad ​​700,000 ay ka barakacaan guryahooda, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada ee OCHA ayaa xaqiijisay in tirada dadka barokacay ee Soomaaliya “ay  ​​laba jibaarmeen hal toddobaad gudaheed”, 1.7 milyan oo qofna ay saamaysay guud ahaan roobabka iyo fatahaadaha.

Daadadka xooggan ayaa lala xiriiriyay ifafaalaha cimilada El Nino.

“Waxaa intaa dheer, waxaa burburay waddooyin, buundooyin iyo garoomo diyaaradeed oo dhowr goobood ah, taasoo saameyn ku yeelatay isu socodka dadka iyo agabka, taasoo keentay inuu sare u kaco qiimaha badeecadaha aasaasiga ah,” ayaa lagu yiri warbixinta OCHA.

Dhanka kale, hay’adda samafalka ee UK ee Save the Children ayaa ku dhawaaqday in in ka badan 100 qof, oo ay ku jiraan 16 carruur ah, ay dhinteen, in ka badan 700,000 oo kalena ay ku qasbeen guryahoodii Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya taasoo ka dhalatay fatahaadaha.

Sida laga soo xigtay digniin ay soo saareen kooxaha bini’aadantinimada, xaalada ayaa la filayaa inay ka sii darto maadaama ay ku baaqeen digniino caalami ah, iyadoo El Nino la filayo inay sii socoto ilaa Abriil 2024.

Daadadkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya ayaa dhacay bishii May ee sanadkan, kaasoo ay ku dhinteen 22 qof ayna saameeyeen in ka badan 450,000, , ka dib markii webiga Shabeelle uu qararka jabsaday, taasoo ku qasabtay tobanaan kun oo guriyahooda burburaan.

Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa inta badan la kulma cimilo aad u daran xilliyada roobabka. Fatahaadahan ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah jabhado iyo dhibaatooyin abaareed uu muddo sii jirtay, sida laga soo xogtay hey’adaha bini aadanimada.

Sida laga soo xigtay Ururka Saadaasha Hawada Adduunka, El Nino ayaa bilaabaneysa  bisha Luulyo. Dhacdada cimiladu waxay sidoo kale ka sii dari kartaa arrimaha caafimaadka iyada oo isbeddelka cimiladu uu kobciyo faafitaanka cudurrada gobollada cusub.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed