Cirro oo soo dhaweeyay hishiiskii lala galay dowladda Itoobiya

Hoggaamiyaha xisbiga mucaraadka Waddani ee Somaliland ayaa soo dhaweeyay go’aankii mudanayaasha baarlamaanka Somaliland ay ku taageereen hishiiskii Muuse Biixi iyo Abiy Axme ku dhexmaray dalka Itoobiya, sidoo kale  waxaa uu soo dhaweeyay diidmadii ay Golaha wakiiladu ay u jeediyeen dowladda Soomaaliya.

Ugu danbayntii waxa uu sheegay in la  qiimayn doono heshiiska lala galay Itoobiya, in loo daayo baarlamaanka si loo xaqiijiyo in uu yahay mid u adeegaya danta Somaliland.

Cirro ayaa hoosta ka xariiqay in 31 sano ay raadinayeen in la aqoonsado balse hadda ay ku farxeen markii ay maqleen arrinta ku saabsan aqoonsiga Itoobiya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed