Ciidanka xoogga dalka oo gacanta ku dhigay laba ka tirsan uruka Al shabaab ee gobolka Mudug

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo gacan ka helaya dadka deegaanka ayaa howlgal ay sa ka sameeyeen deegaano ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug waxa ay ku soo qabteen labo xubnood oo ka tirsan Kooxda.

Sida uu sheegay Maslax Macalin Cilmi oo ah Xoghayaha Maamulka Degmada Xarardheere ayaa sheegay in Ciidamada ay gacanta ku dhigeen Miinooyin ay ku aasayeen deegaanka Gabdhaale ee Bariga Caad.

Ciidamada dowladda  iyo kuwa gobolka ayaa wada howlgalo lagu ciribtirayo Al shabaab ku haray gobolka Mudug, iyadoo ay isa soo tarayaan horjoogayaasha iyo dagaalyahanada kooxdaasi oo isku soo dhiibaya maamulka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed