Ciidanka Jabuuti ee kamid ah howlgalka ATMIS oo gurmad u fidiyay dadkii ku barakacay fatahaadaha magaalada Beledweyne

Ciidamada ka tirsan howlgalka ATMIS ee dalka Jabuuti ayaa waxa ay gurmad u fidiyeen dadka dhibaateysan ee ay fatahaaduhu saameeyeen magaalada Beledweyne ee  xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidanka ayaa ku deeqay, deeqo kala duwan oo loogu talagalay dadka barakacay, taasi oo loogu talagalay in lagu caawiyo boqolaal qoys oo ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka taagan caqabado badan oo ka dhashay biyo badan oo buux dhaafiyay, taasoo sababtay in qoysas badan ay isaga guuraan.
Dhinaca kale gobolka Bakool gaar ahaan qeybo ka mid ah magaalada Xudur ayaa waxaa ka da’ay roobab mahiigaan ah oo geystay fatahaado xooggan, kuwaasoo sababay in dadka ay isaga guuraan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed