Ciidanka Dowladda Soomaaliya oo Sameeyay Howl-gallo Ammaanka Lagu Sugayo Deegaanada Hirshabeelle.

Muqdisho ( Hbn tv)- Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa howgalo lagu sugaayo ammaanka ka sameeyay qeybo kamid ah gobolka Sh/dhexe ee deegaannada Hirshabeelle.

Ciidamada howlgaladaan Fuliyay ayaa ah Ciidanka Nabad-Sugidda ee NISA iyo Booliska HirShabeelle kuwaas oo degaanka Ceelcadde ee gobolka Sh/Dhexe ka soo qabtay 5-qof oo ku howlanaa ka ganacsiga maan-dooriyaha, hub iyo waxyaabihii ay gacanta kula jireen.

Saraakiisha Hoggaamineysay Ciidanka ayaa sheegeen ay sii wadi doonaan howlgalada nuucaan, si loo ilaaliyo ammaanka gobolka, loogana hortago falalka lidka ku ah Nabad-galyada.

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed