Ciidanka dowladda Soomaaliya oo Galgaduud ku dilay xubno ka tirsan Al shabaab gacanta ku dhigay xubin kale iyo hub

Dowladda Soomaaliya  ayaa faah faahin ka bixisay in ay dileen 3 xubnood oo ka tirsanaa Al shabaab, iyaga oo sidoo kale gacanta  ku dhigay mid kale, halka  Mootada nuuca loo yaqaan Feeykoon iyo qoriga AK47  ay soo furteen, howlgalkaan oo ka dhacay deegaanka Bulacle ee gobolka Galgaduud.

“Ciidanka deegaanka ee ka howlgala aagga deegaanka Bulacle ee gobolka Galgaduud ayaa maanta soo afjaray koox Khawaarij ah, iyagoo dilay seddax dhagarqabe, mid kalena nolosha ku qabtay, sidoo kale Mooto FEKON ah iyo ugu yaqaan hal qori oo AK47 ah ayaa laga furtay Khawaarijta” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka fuliyey howlgalkaas ayaa warbaahinta dowladda  u sheegay in xubnahaasi gaarayeen ilaa sideed kuwaas oo lagu weeraray dhulka howdka ah ee deegaanka Bulacle, , isla markaana ay ku guuleystaleen howlgalkaan oo ahay mid qorsheysan, sida lagu sheegay bayaanka.

Saraakiil ka kala tirsan ciidanka deegaanka,  hey’adda NISA, xoogga dalka iyo masuuliyiin uu hoggaaminayo guddoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqorow ayaa gaaray deegaanka Bulacle oo lagu soo bandhigay meydadka xubnaha Al shabaab iyo kuwa gacanta lagu soo dhigay.

Muddooyinkii dambe Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa waday howlgallo culus oo ka dhan ah Al shabaab, kuwaas oo dilay xubno kala duwan oo ay ku jiraan hoggaamiyaal, halka kuwa kalana iyaga oo maxaabiis ah la soo bandhigayay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed