Ciidanka Dowladda Soomaaliya oo Gacanta Ku Dhigay Walxaha Qarax Deegaanno Ka Tirsan Degamda Galcad.

Howlgallo Ciidanka dowladda ay ka fuliyeen gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, ayaa gacanta gacanta ku dhigay miinooyin iyo waxyaabaha  qarxa oo lagu aasay waddooyinka deegaannada ay ka sameyeen howlgalka.

Ururada 7aad iyo 9aad, guutada 18aad ee kumaandooska GorGor ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka sameyay degaannada Ceel-xaaji iyo ceel-dhiigtaar oo Hoostaga Degmada Galcad ee gobolka Galgaduud kuwaas  fashiliyay weeraro ay damacsanayeen kooxda Al-shabaab sida ay sheegeen saraakiisha Ciidankaas.

Taliyaha ururka 7 aad ee kumaanooska GorGor Dhamme Mahad Imaan oo la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa Mid qorsheysan oo lagu baacsanayo xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka,  isla markaana lagu soo saaray Miinooyin  ku aaseen waddooyinka ay isticmaalaan dadka Shacabka ah.

Waxaa ay intaas ka ku dareen in ay sii wadi howlgallada nuucaan ah, kuwaas oo looga hortagaayo weerarada ay soo abaabulaam Ururka Al-shabaab oo dagaal ba’an kula jira Ciidanka dowladda Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed