Ciidanka dowladda Soomaaliya cagta mariyay deegaanno Al shabaab ku sugnaayeen ee gobolka Baay

Ciidanka dowladda Soomaaliya oo howlgallo culus ka sameeyay deegaanno dhowr ah oo dhaca  gobolka Baay, kuwaas oo gaaray deegaanno ka maqnaa gacanta dowladda isla markaana sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalladaan ka dhanka ah kooxda Al shababa.

Ciidamada Ururka 154-aad ee Guutada 8-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga, ayaa waxa ay cagta mariyeen deegaannada Raaxoole, Ganuuway, Degolol, Banyaal, Bilaale, Buulla-Cadooy iyo deegaano kale oo Waqooyi Galbeed ka xiga Degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Taliye ku xigeenka Ururka 154-aad ee Ururka 8-aad ee qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Xidigle Mursal Cali Maxamed, ayaa tilmaamay inay astaan ​​u tahay in bartilmaameedkooda uu ahaa inay ugaarsadaan koox ka tirsan  Al Shabaab oo ku dhuumaaleysanaya deegaannada howdka ah ee hoos yimaado degmada Diinsoor.

Taliyaha oo la hadlay Warbaahintab ayaa sheegay ay sii wadi doonaan weeraradaan taniyo inta Al shabaab ay ka saarayaan deegaannada ay ka heystaan gobolka Baay ee maamulka Koofur Galbeed.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed