Ciidanka dowladda oo la wareegay Cawsweyne iyo qorshaha Ceelbuur oo la diyaariyay

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa la wareegay deegaanka Cawysweyne ee gobolka Galgaduud, ciidankaan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa si nabad ah ku galay magaalada, oo ay banneeyeen kooxda Al shabaab.

Ciidamada ka ruqaansaday gegmada Galcad ayuu ujeedkoodu yahay inay gaaraan Degmada Galhareeri, oo muddo dheer Al Shabaab ka arriminayeen, balse ciidanka ayaa hadda ku suganCawsweyne, iyaga oo bilaabay howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka.

Ciidamada ayaa la sheegaya inay miinooyin badan ka saareen waddada xiriirisa Galcad iyo Cowsweyne, miinooyin kale oo laga baqdin qabo in ay ku aasan yihiin waddada xiriirisa Galcad iyo Galhareeri oo saraakiishu sheegeen in ay ku wajahan yihiin tgoobaha kale oo Al shabaab gacanta ku hayaan, waxana ugu horrey degmooynka Ceelbuur iyo Galhareeri.

Wararka ayaa intaasi raacinaya in Ciidamo lixaad leh oo lagu diyaariyay magaalada Dhuusamareeb ay  dhanka bari ka gali doonaan degmada Ceelbuur, iyada oo weerar seddex geesood ah loo qorsheeyya in lagu qabto magaalada istaraatiijiga ah, sida uu shalay sheegay taliyaha Ciidamada xoogga Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed