Ciidanka dowladda oo howlgal ka fuliyay gobolka Bakool isla markaana dilay taliyihii Al shabaab u qaabilsanaa gbolkaas

Ciidamada dowladda Federaalka gaar ahaan guutada 9-aad ee qeybta 60-aad ayaa howlgallo qorsheysan ka sameeyay deegaano u dhaxeeya degmada Xudur iyo deegaanka Garasweyne ee gobolka Bakool. Taliyaha qeybta 9-aad ee qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Yoonis Aadan Xasan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in howlgalkaasi lagu dilay taliyihii Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Bakool.

Sidoo kale Yoonis ayaa intaa ku daray in ciidamada dowladda Federaalka ay burburiyeen fariisimo  ay ka soo abaabuli jireen weerarada lagu dhibaateynayo shacabka ku dhaqan deegaanada u dhaxeeya Garasweyne iyo degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Howlgalladan la xoojiyay ayaa qeyb ka ah howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda inta badan gobollada dalka, kuwaasi oo la doonayo in kooxdaasi looga sifeeyo guud ahaan dalka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed