Ciidanka dowladda oo howlagllo culus ka fuliyeey gobolka Shabeelada Hooose

Ciidanka hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah Al shabaab ka fuliyyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose oo fariisimo Al shabaab kula haayeen, sida ay sheegeen saraakiil hoggaamineysay howlgalladaas.

Howlgalladaan ayaa ka dhacay deegaanka  Jambaluul ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana la sheegay in ilaa 5 mooto oo ah nuuca loo yaqaan Feeykoon in ay ciidamadu gacanta ku dhigeen, waxana adeegsan  jiray dagaalyahannada Al shabaab.

Ciidamada ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalladda Al shabaab looga xorreynayo deegaannada ay ka maamulaan Shabeelada Hoose, iyada oo lagu wado in dhawaan howlgallada wajiga labaad ay ka bilaawdeen deegaannaas oo inta badan Al shabaab gacanta ku hayaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed