Ciidanka Dowladda oo Gacanta Ku Dhigay Xubno Ka Tirsan Al Shabaab.

Ciidanka  dowladda Soomaaliya  oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgal qorshaysan maanta ka sameeyey deegaanka Ceel-Qansax oo hoos taga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, halkaas ay ka jiraan dhaqdhaqaaq Ciidan iyo howlgallo.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu burburiyey fariisimo ay si qarsoodiga ah isugu abaabulayeen Ururka Al-shabaab, sida lagu sheegay war lagu daabacay Warbaahinta dowladd maanta.

Sidoo kale warka waxaa lagu sheegay in Ciidanka xoogga ay nolosha ku qabteen ilaa shan xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, gaari nooca xamuulka qaad ah oo loo yaqaano BG waxaa uuna siday saanad ciidan sahay raashin iyo shidaal ah.

Guud ahaan ammaanka deegaanka howlgalka laga fuliyey ee Ceel-Qansax ayaa la xaqiijiyay, sida saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ay u xaqiijiyeen.

Howlgalladaan ayaa ku soo aadaya iyada oo goboolka Galgaduud muddooyinkii dambe ay ka socdeen dagaallo Xooggan oo dhexmarayay Ciidanka Dowladda kuwa deegaanka iyo Al Shabaab.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed