Ciidanka dowladda oo gacanta ku dhigay deegaanno horleh kuwas oo ku sii dhawaanaya magaalada Ceelbuur

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay la wareegeen deegaanno horleh oo ka maqnaay gacanta dowladda, kuwaas oo ku hoos jiray taliska Al shabaab ee gobolkaas, howlgallada maanta dhacay ayey ciidamadu ka gaareen guulo wax ku ool ah.

Deegaannada  ay gacanta ku dhigeen ciidanaka qalabka sidee ee Soomaaliya ayaa kala ah: Jaw, Dadaale, Habarcirir, iyo Xin-Fardood oo ka tirsan gobolka Galguduud, iyadoo ciidanka xoogga dalka ay ku sii siqayaan magaalada Ceelbuur oo xarun istiraatiiji u ah Al-Shabaab marka la eego gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay wadday abaabul ciidan oo xooggan, kuwaas oo isku diyaarinayay howlgallo ka dhan ah Al shabaab, qorshaha ugu weyn dowladda ayaa ah in ay gacanta ku dhigaan degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareer oo ah labada degmo ee ugu muhiisan galmudug oo Al shabaab gacanta ku hayaan.

Dhanka ka kale waxaa dhaqadhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa gobolka Galgaduud, goobjoogayal ayaa sheegaya in ay arkeen ciidamo xooggan oo iskugu jiro dowladda iyo kuwa deegaanka oo wato gaadiid ciidan iyo saanad millateri.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed