Ciidanka dowladda oo burburiyay Saldhigo Al Shabaab ee ku yaalay Galgaduud.

Ciimada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al Shabaab ka fuliyay  deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Ciidanka Sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Dabab ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Budbud ee Gobolka Galgaduud, iyaga oo isku maray fariisimo Al Shabaab ay ku la haayeen deegaannadaas.

Ciidanka ayaa intii ay hawlgalka wadeen waxay ku burburiyeen goobo ay ku kaydsanaayeen Sunta iyo Alaadaha kale walxaha qarxa laga sameeyo iyo goob kale oo Hub ugu keydsanaa Al  Shabaab,  sida ay  Warbaahinta u sheegeen Taliyaashii hoggaamineysay howgalkaas.

Taliyaha Guutada 16-aad Ciidanka kumaandooska Danab G/Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay howgallada ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsam Galgaduud, waxaa uu intaas raaciyay in ay sii wadi doonaan, iyaga oo qorsahoodu yahay in Al Shabaab ay ka xorreyaan deegaannada.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed