Ciidanka Dowladda oo Al Shabaab Kala Wareegay Deegaanno Hor-leh

Ciidaanka dowladda Soomaaliyaa ayaa deegaanno hor leh kala wareegay Xarakada Al shabaab, kuwaas oo maalmihii la sii dhaafay dhaqdhaqaqq Ciidan deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidanka dowladda oo kaa shanaya kuwa deegaanka ayaa gacanta ku dhigay magaalada Budbud ee gobolka Galgaduud oo ka mid aheyd goobaha muddada dheer Al shabaab ay gacanta ku hayeen, balse hadda gacantooda waa ay ka baxday waxayna kamid noqotay deegaanno badan oo isbuuc laga saaray taniyo markii Ciidaanka dowladda ay la wareegeen degmada Galcad ee gobolka.

Saraakiisha hoggaaminesay howlgalkaan ayaa sheegay in magaalada dalxiiska ee Budbud ay gacanta ku dhigeen, iyaga oo intaas ku daray in ay siiw wadi doonaan howlgalladaan dalka looga xorreynaayo kooxda AS.

Taniyo markii uu bilaawday dagaalka Wajiga Labaad Galgaduud ayaa noqotay deegaannada ugu badan ee Al shabaab laga saaray, inta badan si nabad ah ayey ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay kula wareegeen.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed