Ciidanka dowladda oo Al shabaab kala wareegay deegaan muhiim ah oo ku yaal gobolka Shabeelada Dhexe

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya maleeshiyo beeleedyo deegaanka ah ayaa la wareegay deegaan ay maamulayeen kooxda Al-Shabaab oo dagaal la’aan isaga cararay sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Boqolaal ka mid ah shacabka ku dhaqan deegaanka Ruun-nirgood ayaa si weyn u soo dhaweeyay ciidamadan, waxaana ay u dhaqaaqeen dhanka gobolka Shabeellaha Dhexe. Rasaas goosgoos ah ayaa la maqlay ka dib markii la qabtay magaalada.

Al-Shabaab ayaan ka hadlin sheegashada ciidamada ee deegaanka Ruun-nirgood ee gobolka Shebeelaha Dhexe.

Maleeshiyaadka ayaa kordhiyay weerarada tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xafiiska la wareegay bishii May, waxaana uu wacad ku maray inay “dagaal dhan walba ah” la geli doonaan Al-Shabaab.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ciidamadeedu ay dileen in ka badan 4,500 oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib howlgalo socday muddo labo bilood ah oo ay fuliyeen dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed