Ciidanka Dolwadda oo Sameyay Howlgal Ka Dhan ah Kooxda AS.

Ciidanka dolwadda Faderaalka Soomaaliya ayaa sameeyay howgal ka dhank kooxda Al-shabaab, howlgalkaan oo ahaay mid qorsheysan ayaa ka dhacay deegaanno hoostaga  Degmada Gaclad ee Gobolka Galgaduud kaas oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

Inta uu howlgalka socday waxaa Ciidanku ay ku guuleysteen inay soo saaraan Miinooyin ay Al-Shabaa ku Aaseen wadooyinka, sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan Ciidanka kuwaas la hadlay Idaacadda ku hadasha Afka dolwadda.

Guutada 16-aad, Ururka 4-aad ayaa fuliyay howlkaan oo uu hoggaaminaaya Laba Xiddigle Cabdullah Mustaf Cali.

Saraakiisha ayaa hoosta ka xariiqay in ay sii wadi doonaan howlgalada nuucaan ah oo ah ku sheegeen Al Shabaab looga sifeeynaayo deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed