Ciidanka deegaanka gobolka Shabeelaha Dhexe oo gacanta ku dhigar rag lagu tuhmay in ay xiriir la leeyihiin Al shabaab

Ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawisley ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe gaar ahaan deegaanka Cadcaday, waxay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen saddex ruux oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin dagaalyahanada Al shabaab.

Ciidamada deegaanka ee Mawislayda ayaa howlgalo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe gaar ahaan deegaanka Cadcaday isla markaana   ay ku soo qabteen saddexdaan, oo la tuhunsan yahay in ay xiriir la leeyiin Al shabaab.

Taliyaha ciidamada deegaanka ee deegaanka Cilmi Cabdulle Cali ayaa sheegay in howlgalkaan oo ahaa mid qorsheysan ay sameeyeen kadib markii ay heleen xog ku saabsan saddexdan ruux oo looga shakiyay in ay ka tirsan yihiin kooxdaasi, ugu dambeynna gacanta lagu soo dhigay.

Cilmi ayaa tilmaamay in markii ay si dhab ah u wareysteen raggaasi ay u sheegeen in ay ka tirsan yihiin kooxda oo dhawaan la geeyey deegaanada maamulka Hir-Shabeelle gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe, faah faahin dheeraad ah kama uusan bixin.

Ciidamada deegaanka Macawisley oo gacan ka helaya kuwa dowladda Federaalka ayaa kordhiyay, waxayna xoojiyeen howlgallada ka dhanka ah dagaalyahannada Al shabaab ee ku sugan deegaannada Hir-Shabeelle iyo Galmudug.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed