Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta dabaaldegaya 80-sano guuradii ka soo wareegtay markii la aas aasay

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaaldagaya sanad guuradii 80-aad ee ka soo wareegtay aas aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ku beegan 80-sano guuradii ka soo wareegtay.

Shalay ayay aheyd markii Taliye ku xigeenka Booliska Itoobiya uu dhiggiisa Soomaaliya kala qeyb galay xuska sanad guurada 80-aad ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Munaasabadda ayaa fursad siisay doodo ku saabsan iskaashiga amniga gobolka, iyadoo hoosta laga xariiqay muhiimadda ay leedahay dadaallada wadajirka ah ee lagu ilaalinayo nabadda iyo xasilloonida.

Sidoo kale, waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray Taliyaha Ciidanka Booliska dalka Jabuuti Sarreeye Gaas Cabdiraxmaan Cali Kaahin, si uu uga qeyb galo Dabaaldegga. Booqashadan ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay guddoomiye ku xigeenka gobolka Cismaan C/llaahi Kaniif oo ku dheeraaday xiriirka iyo ixtiraamka ka dhaxeeya hay’adaha sharciga ah ee gobolka.

Iyadoo Soomaaliya ay u gudbeyso waa cusub, ciidamada ATMIS-na si tartiib-tartiib ah meesha looga saarayo, haddana ciidanka booliiska ayaa tiir u ah sugidda amniga dadka, gaar ahaan goobaha muhiimka ah ee caasimadda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed