Ciidanka Ammaanka Soomaaliya oo Gacanta ku Dhigay Warshad Sameeyso Maandooriyaha

Ciidanka ammaank Magaalada Muqdisho ayaa howlgallo ay sameeyeen waxay kusoo bandhigeen waxyaabaha maanka dooriya iyo Goobihii lagu farsameeynaayay, Ciidanka ayana burburiyay dhammaan qalabkii loo adeegsan jiray.

Howlgalladaan ayaa laga sameeyay degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir, kadib markii laamaha ammaanka ay ka war heleen xogta ku saabsan xarunta lagu farsameeyo  Maandooriyaha.

Goobtaan ayaa Sarakiisha Ciidamada Boolisku sheegeen inay aheyd goob weyn oo lagu sameeynayay Calaqa, si loogu iibgeeyo qeybaha kale ee Magaalada Muqdisho,  isla markaana ay ka Shaqeeynayeen Dhalinyaro farabadan.

Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa dhankiisa seegay in marnaba la aqbaleyn in xashiish iyo waxkasta oo Maanka dooriya Ciidanka ammaankana ay la dagaallami doonaan.

HBN NEW DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed