Ciidan Ka Tirsan ATMIS Oo La Helay Kuwaas Oo Aanan Waxbo Cunin 6 Maalin

Askar ka tirsan Ciidanka Midawga Afrika ee ATMIS oo go’doon ku galay weerarkii Buula-mareer 26 bishii hore ayaa la soo badbaadiyay kuwaas oo muddo 6 maalin ah ku dhuumaanaayay godod ku yaal halkii lagu weeraray oo ay gacanta ku dhigeen Al-shabaab kahor inta aysan markale ku soo laaban gacanta Ciidankii ATMIS.

Askartaan ka soo jeeda dalka Uganda ayaa ku noolaay xaalad ah adag, iyaga oo aanan wax cunto iyo biyo ah aanan helin intii ay ku jireen dhuumaaleysiga, kuwaas oo al sheegay in noloshu maciin biday in ay kaadidooda cabbaan sida laga soo xigtay saraakiisha.

Afar askar oo ka tirsan ciidamada Uganda ayaa muddo lix maalmood ah is qarinayey, si ay uga badbaadaan Al-Shabaab oo la wareegtay saldhiggoodii Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Afhayeen u hadlay ciidamada Uganda oo lagu magacaabo Felix Kulaigye, ayaa ku warray in askartan ay ka badbaadeen weerarkii Al-Shabaab iyagoo ku dhuumaaleysanayay gudaha iyo hareeraha Saldhigga la weeraray ee Buulo Mareer.

Felix Kulaigye ayaa hoosta ka xariiqay in askartan la helay kadib markii ciidamada Uganda ay dib ula wareegeen saldhigga Buulo Mareer, khamiistii todobaadkii lasoo dhaafay, iyaga oo ku sugnaa xaalad halis ah, “gaajo iyo harraad xooggan ayaa ka muuqatay markii la helay” ayuu yiri.

Hadalkiisa ayuu ku daray in mid walbe uu si gaar ah uu dhuumaanayay, oo aysan wax war ah iska heyn intii ay ku sugnaayeen Buula-mareer.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed