Ciidan Horleh oo Ka Soo Goostay Somaliland oo Ku Biiray SSC.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool kadib markii Ciidan ka titsan Somaliland ee soo goostay ay ku biireen Ciidanka deegaanka kuwaas oo la soo dhaweeyay sida lagu faafiyay baraha bulshada xiriirka.

Gaaradada Magaalada Laascaanood ayaa soo dhaweyay Ciidankaan oo gaaraya ku dhawaad 10 Askari, Garaadada oo warbaahinta la hadlay sheegay in ay soo dhaweynayaan Cid walbe oo aan raali ka aheyn dagaalka Somaliland ay soo qaaday sida hu hadalka u dhigay, Ciidankaan ayaana la soo bandhigay.

Garaad Cabdirisaaq iyo Garaad Jaamac ayaa sheegay in qadiyadda Gobolka Sool gaar ahaan Laascaanood ay difaaci doonaan kana go’an tahay.

Ciidankaan oo watay Gawaari dagaal ayaa ka yimid dhicana magaalada Buuhoodle oo ay maamusho Somaliland, waana maalintii 3-aad oo xiriir ah oo dhanka Somaliland ay ka imaanayaan Ciidan iyo Masuuliyiin kale.

majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Somaliland oo ku aadan Ciidanka ka soo goostay kuwaas oo ku biiray Kuwa SSC ee Khaatumo.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed