Ciidan Gadoodsan oo Xirtay Waddooyin Ku Yaal Magaalada Garowe.

Faah faahino kala duwan oo ka soo baxaya Puntland ayaa sheegaya in Ciidamo gadoodsan ay xirteen mid kamid ah waddooyinka waa weynee magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal, Ciidankaan oo watay hub iyo gaadiid dagaal ayaa joojiyay dhammaan isku socodka gaadiidka dadweynaha iyo kuw  gaarka loo leeyahay.

Ciidankaan ayaa la sheegay in ay ka cabanayaan mushaar la’aan, waxaa ku jiro Ilaalada Madaxtooyada Maamulka Puntland  sida goobnoogayaal ku warrameen, kuwaas oo isku fidiyay qaar kamid ah waddooyinka loo maro wasaaradaha Puntland, gabi ahaanba waxaa ay joojiyeen in shaqaaluhu ay shaqo tagaan, taas oo keentay in ay dib u laabtaan, halka kuwa kalana ay dhooban yihiin goobta.

Muddooyinkk dambe  Ciidamo gadoodsan oo ka cabanaya mushaaar la’aan ayaa xiraanayay waddooyin muhiim ah deegaannada puntland, kuwaas oo Warbaahinta u sheegay in ay doonayaan in la siiyo xuquuqda ka maqan muddo dhowr bil ah.

                                HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed